Waa maxay Quetiapin? (Hvad er Quetiapin?)
- 🧠Quetiapin waxaa loo isticmaalaa daaweynta ciladda dhimirka ee “skizofreni” – xaalad qofka ku keenta fikir qaldan, shaki badan, iyo in oo maqlo wax aan jirin (hallucinationer) iyo fikir isku dhex yaacsan.
- 🌀Waxaa kale oo loo isticmaalaa xanuunka laba-cirifoodka (bipolar).
Maxaa loo isticmaalaa? (Hvad bruges det til?)
- Skizofreni (cilad dhimirka).
- Bipolar (laba-cirifood).
Sida loo qaato (Sådan tages medicinen)
- Kiniinka caadiga ah (almindelig tablet) – dadka waaweyn:
Maalinta 1aad: 50 mg
Maalinta 2aad: 100 mg
Maalinta 3aad: 200 mg
Maalinta 4aad: 300 mg
→ Kadib qiyaasta waxaa si tartiib ah loo kordhiyaa haddii loo baahdo.
Dayactirka: 300–750 mg maalintii, oo loo qaybiyo 2 jeer maalintii. - Kiniinnada la falgalka gaaban (Depottabletter):
Hal mar maalintii, ugu yaraan 1 saac ka hor cuntada.
Maalinta 1aad: 300 mg
Maalinta 2aad: 600 mg
Dayactirka: 400–800 mg hal mar maalintii.
Cunto iyo cabitaan (Mad og drikke)
- Qaabka lafalgalka daawadaan jirka waa gaabis (depottabletter) waa in la qaataa ugu yaraan 1 saac kahor cuntada.
- Laakiin kiniinnada caadiga ah waa in lagu qaataa. Hal koob biyo ah (qiyaas ku habbon 1.5–2 dl).
Digniino (Advarsler)
- Hurdo badan iyo dawakh.
- Waxay kordhin kartaa sonkorta iyo miisaanka (dadka halista u leh).
Dhibaatooyinka (Bivirkninger)
- Hurdo badan iyo daal.
- Miisaan kordhis ama gaajo badan.
- Wareer ama madax-xanuun.
- Calool-istaag (forstoppelse).
Is-dhexgalka daawooyinka (Interaktioner)
- Quetiapin waxa uu la falgali karaa daawooyin kale. Daawooyinka qaarkood ee wadnaha iyo kuwa cadaadiska dhiigga waxay kordhin karaan dhibaatooyinka. Sidoo kale, antibiotiko iyo daawooyinka fangaska qaar waxay kordhin karaan saamaynta Quetiapin. Had iyo jeer u sheeg dhakhtarkaaga daawo kasta oo aad qaadanayso.
Ramadaanka iyo daawada (Fasten og brugen af medicinen)
- Ka hor Ramadaanka, la hadal dhakhtarkaaga si loo hubiyo in daawadaadu ku habboon tahay inta lagu jiro soonka.
- Haddii laguu sheego, qiyaasta waxaa lagu qaataa fiidkii (afurka kadib) ama suxuurta. Ha beddelin wakhtiga ama qiyaasta adiga oo aan dhakhtar la tashan.
- Halaba jeer ha qaadan daawada, hana joojin daawada adiga oo aan dhakhtar la tashan.
Kaydinta (Opbevaring)
- Ku hay daawada meel ka fog carruurta yar yar, kana hooseysa 25 °C.
- Ku hay baakadka asalka ah si looga ilaaliyo iftiinka iyo huurka.
- Ha qaadan daawada marka ay dhaafto taariikhda “EXP” ama haddii midabka isbeddelo.
- Wixii soo haray → u gee farmashiyaha.